1047 Views

Madaxweynihii Afghanistan oo la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Imaaraadka Carabta

Madaxweynihii Afghanistan  oo la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 18, 2021

Waxaan goor dhow sheegnay in madaxweyne Ashraf Ghani la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul.

Dhanka kale, safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay inuu Ghani watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani “khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaraddu damacsan tahay inay u aqoonsato ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan.

Farriin maqal ah oo xalay laga sii daayay BBC-da, ayuu Mr Saleh ku andacooday inuu yahay “madaxweynaha kumeel-gaarka ee sharciga ah ee Afghanistan” isagoona ballanqaaday in “dagaalka uusan weli dhammaan

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post