1026 Views

Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka DG Puntland Cabdiladiif Muuse oo faah-faahiyay howlgallada ka socda Magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka DG Puntland Cabdiladiif Muuse oo  faah-faahiyay howlgallada ka socda Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka DG Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo la hadlay VOA ayaa faah-faahiyay howlgallada ka socda Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay ku xireen Dad loo heysto Dambiyo & tuhunno.
Cabdiladiif ayaa sababta keentay howlgalka ku sheegay in Dilalka & qaraxyada ay ku kordheen Magaalada Gaalkacyo, ka ganacsiga Walxaha maanka Dooriya & wax weliba oo qayb ka noqon kara amni darrada Waqooyiga xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamo dheeraad ah ayuu sheegay in ay u diyaariyeen Magaalada Gaalkacyo si ay u baaraan meelaha lagu tuhmayo dadka qaybta ka ah Amni darrada waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka DG Puntland.

“Sababta aan u kordhinay howlgallada waa in aan gacan adag ku qabano Dadka dilalka geysta, waxaana diyaarinay ciidamo dheeraad ah oo aan dhawaan ku fasixi doonno Magaalada Gaalkacyo si ay baaristooda u xoojiyaan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur.

Sidoo kale Dad badan ayaa ku xiran Xabsiyada Gaalkacyo iyo xarumo gaar ah oo ay leeyihiin Ciidamada, Guddoomiye Cabdiladiif waxa uu si cad u sheegay in Qubaro Puntland & kuwo bannaanka ay ka keeneen ay iska kaashanayaan baaristooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post