1506 Views

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Kumanaan Qof Oo Soomaali Ah Lagu Dilay Howlgalkii Mareykanka Ee Somalia

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Kumanaan Qof Oo Soomaali Ah Lagu Dilay Howlgalkii Mareykanka Ee Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 23, 2019 –Qoraal ay Senator  Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka soo dhigtay Twitter-keeda bishii October ee sannadkii 2017-kii ayaa waxaa dib u soo bandhigay Saxafi lagu magacaabo John Rossomando, waxayna kaga hadashay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Milliteriga Maraykanka ee taageerayeey Hawlgalkii QM ee UNSOM II iyo Taageerayaashii Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Caydiid ku dhex maray magaalladda Muqdisho.

 

Waxay Twitterkeeda ku sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka dileen Kumanaan Soomaali ah intii lagu guda-jiray Hawlgalkii Black Hawk Dawn” ee bishii October 3-dii ilaa 4-dii ee sannaadkii 1993-kii.

 

Ilhaan Cumar waxa uu qoraalkeeda jawaab celin u ahaa qof isticmaala Barta Twitter-ka oo magaciisa ku soo koobay Joshua, balse cinwaanka uu ku soo galo Twitter-ka yahay @j_w_84 oo ada u muujiyey in ka badan Tobaneeyo Askar Maraykan ah lagu dilay, 73 kalena lagu dhawaacay Dagaalkii ka dhacay magaalladda Muqdisho.

 

Qofkaasi waxa uu sii raaciyey inuu Dagaalkii Muqdisho ahaa weerarkii Argagixiso ee ugu xumaa ee Taariikhda Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Ilhaan Cumar waxay qoraalkiisa ku sheegtay been abuur, waxayna muujiysay inay Askarta Maraykanka dileen  Kumanaan Soomaali

“Xusuustiisa aadka u taxadarka badan, waxa uu xitaa illaabay inuu ka hadlo Kumanaanka Soomaalida ee ay Milliteriga Maraykanka dileen maalintaasi” ayey Ilhaan soo tweet-garaysay.

 

Tirada khasaaraha dadka Soomaalida ka soo gaaray dagaalkaasi waa la isku khilaafsan yahay, balse, tirada waxaa la sheegaa in dagaalkii magaalladda Muqdisho ka dhacay bishii October 3-di iilaa 4-dii ee sannadkii 1993-dii lagu dilay tiro u dhexysay 300 qof ilaa ku-dhawaad 1,000 qof.

 

Telefishinka Fox News ee dalka Maraykanka oo dib u soo muujiyey Twitter-kii Ilhaan Cumar ay qortay 2-sanno ka hor ayaa sheegay inay naqdin badan ka dhalatay, kadib markii dib loo soo bandhigay Twitterkeedii hore.

 

Fox News waxay qortay inay  Xafiiska Ilhaan Cumar ka jawaabin codsigooda ku adaan inay faallo ka bixiso Naqintaasi.

Senator Ilhaan Cumar waxay inta badan muddooyinkii ugu dambeeyey waxay si kulul weerar dhanka Twitter-ka isku dhaafsadeen Madaxweyne Donald Trump, oo isaga si been abuur ah iyada ugu eedeeyey inay taageertay Weerarkii Diyaaradaha ee ay Alqaacida ku duqeeyeen Daaraha Mataanaha ee New York bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment