951 Views

Maamulka G/Banaadir oo kulan deg deg ah ka yeeshay Amniga

Maamulka G/Banaadir oo kulan deg deg ah ka yeeshay Amniga
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-19-2020–Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan ayaa shir guddoomiyey kulan loogu hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay weeraro ka dhaceen.

Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro oo ay Al-Shabaab ka geystaan Caasimadda.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro iyo qaarxyo ay waxyeelo kasoo gaartay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad Shacb ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post