987 Views

Cali Roba oo ka digay Ciidanka Jubbaland ee lagu aruurinayo Mandheera

Cali Roba oo ka digay Ciidanka Jubbaland ee lagu aruurinayo Mandheera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 5 , 2020 —Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee dalka Kenya Cali Roba ayaa ka digay Colaad markale ka dhacda inta u dhaxeysa Magaaloyina Mandheera & Beled-Xaawo taas oo saameyn ku yeelata Magaalada uu Guddoomiyaha ka yahay.

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa la socday muuqaal laga duubay Gaadiid dagaal oo ay wataan Ciidamada Jubbaland,waxaana arrintaasi uu sheegay inay halis amni ku tahay Magaalada Mandheera.

 

 

 

Ciidamada amniga ee Jubaland ayaa u dhaqaaqaaya dhanka midig ee magaalada mandera ee ku taal Wadada Bulla Jamhuria, una dhow xarunta dhexe ee xerada, oo ku taal Xarunta Huduma. Tani waxay khatar weyn ku tahay amniga dadka reer Kenya ee ku nool mandera ayuu yiri”Cali Roba.

 

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Kenya inay keenaan wada hadallo xal u keeni kara in la yareeyo inay dhacdo qatar kale oo sababi karta gacan ka hadal.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee dalka Kenya Cali Roba ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan inta u dhaxeysa Mandheera & Beled-Xaawo ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland,kaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay Magaalada Mandheera.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment