852 Views

AMISOM oo saraakiil Booliis u tababartay sugida Amniga Doorashada

AMISOM oo saraakiil Booliis u tababartay sugida Amniga Doorashada
____________________________________________________________________________

Jimco: September 3, 2021

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in 27 sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya ay dhammaysteen tababar shan maalmood ah oo ku saabsan sidii si hufan loo sugi lahaa doorashooyinka socda.

Tababarka oo la siiyay saraakiisha booliiska ee ka socda dowladda Federaalka iyo labada dowlad -goboleed ee xubnaha ka ah federaalka ee Puntland iyo Galmudug ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa awoodda ka -qaybgalayaashu qaababka sharciga ee doorashooyinka,

.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Farxaan Cali Maxamed oo ka hadlay munaasabadda lagu soo gunaanadayay tababarka ayaa rajeeyay in xirfadaha la helay ay sare u qaadi doonaan awoodda saraakiisha ee diyaarinta, qorsheynta iyo fulinta howlgallada amniga inta lagu jiro doorashada.

“Waxaan ku jirnaa xilli doorasho, ammaankuna aad ayuu muhiim ugu yahay hannaanka dimuqraadiyadda. Iskudubaridka saraakiisha booliiska Soomaaliya iyo AMISOM wuxuu xaqiijin doonaa inaan helno doorasho lagu kalsoonaan karo, ammaan ah oo xalaal ah,” ayuu yiri Cali.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post