1095 Views

Wasiir Caadle oo gaaray degmo ay xiisad ka jirto

Wasiir Caadle oo gaaray degmo ay xiisad ka jirto
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 12 , 2019 | QOL |   –Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa wxaa Maanta ay gaareen degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka ahaayeen wasiiro katirsan Hir-Shabelele ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Buulo Burde kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Buulo Burde.

 

 

 

U jeedka wafdiga Wasiirka ay u tageen ayaa waxaa lagu sheegay xalinta xiisad maalmahaan ka jirtay taas oo ku aadan khilaf ka dhashay maamul Cuusb uu Wasiirka u Magacaabey degmadaas.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa bilaabey kulamo uu la qaadanayo Odayasha iyo Waxgaradka degmada si xal looga gaaro xiisadaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment