873 Views

Somaliland oo Joojisay Bixinta Ruqsada Kalluumaysiga

Somaliland oo Joojisay Bixinta Ruqsada Kalluumaysiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin, March 9, 2020 —Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaalya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhowr mar sheegay in Dowladda Soomaliya ay soo daabici doonto lacago Cusub,hayeeshee asyan dhicin taasi,waxaana la shaaciyey sababta weli loo soo daabici la’yahay lacag taas.

 

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in sababo la xiriira awood dhaqaale u soo daabici la’dahay lacag Cusub oo Shillin Soomaali ah.

 

 

 

Senator-ka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadda Soomaaliya inta badan deynta laga cafiyey,isla markaana ay ku dhow dahay in Soomaaliya ay sameysato lacag Cusub waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ee Shillin Soomaaliga ah ayaa ah mid Kun ay u weyn tahay kuna u yartahay,waxaana lacagta Shillinka Soomaaliga ah ay inta badan noqotay mid duugoowdey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment