996 Views

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kal-fadhiga 6aad ee labada Aqal

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kal-fadhiga 6aad ee labada Aqal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, -2019 —Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furo Kal-fadhiga 6-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay ay Xildhibaanada fasax ku jireen.

 

Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye  ee Iskool Buluusiya ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa, sida uu qabo Dastuurka dalka.

 

Furitaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta sidoo kale goobjoog ka noqon doona Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo dhawaan soo gaarey muqdisho,sidoo kalena tegay Magalada Baydhabo.

 

Kal-fadhiyadii 4-aad iyo 5aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa si kala gooni gooni ah u furmay,kadib khilaaf soo kala dhex-galay,hayeeshee dhawaan xal ay ka gaareen khilaafkii.

 

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidanka amniga Maanta lagu arkayo wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment