1014 Views

Ciidanki Milateriga ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga oo goor dhawayd la wareegay Isgoyska Sanca

Ciidanki Milateriga ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga oo goor dhawayd la wareegay Isgoyska Sanca
____________________________________________________________________________

 

April 25-2021

Dagaal kooban oo dhex maray Ciidanki Milateriga ee ka soo baxay furimaha dagaalka ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga iyo kuwa fadhiyay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd waxaa dhex maray dagaal kooban.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay la wareegeen isgosyka Sanco ayna ku sii jeedaan goobo kale oo muhiim ah sida isgoyska Siinaay oo laga galo Madaxtooyada ilaa isgoyska Xararyaale oo ku Beegan Villa Somaliya.

Ciidamadan ayaa ka yimid xalay Gobolka Sh.dhexe, waxaana Hogaaminayo Col-Saney waxayna ku hubeysan yihiin gaadiidka Dagaalka.

Sidoo kale Ciidamadii Dowlada ee ku sugnaa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa iskaga baxay, kadib markii laga awood Roonaday, mana jiraan inta la ogyahay qasaaraha inta uu la egyahay.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah inkastoo markii dambe la furay dhammaan jidadkii la xiray kadib markii lagu guuldareystay in la xakameeyo ciidamada gadoodsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post