759 Views

Farmaajo oo Taliyaha ciidamada Xoogga ku amray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir

Farmaajo oo  Taliyaha ciidamada Xoogga ku  amray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir
____________________________________________________________________________

Isniin December 27, 2021

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage amray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in xal ka qaadista Taliyaha ciidamada Badda ay muhiim u tahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa mar sii horreysay ku eedeyay ra’iisal wasaare maxamed Xuseen Rooble inuu ku lug lahaa boobka dhul dadweyne oo ay leyeihiin ciidammada badda. Rooble ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post