672 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baarlamaanka Uga Mahadceliyay Ansixina Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baarlamaanka Uga Mahadceliyay Ansixina Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka looga fadhiyo Xukuumadiisa cusub waxa uuna sheegay in si deg deg looga howlgali doono arrimaha amniga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa balanqaaday in si dhow ay u wadashaqeyn doonaan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiirada, waxa uuna codsaday in Wasiirada lagula xisaabtamo waxqabadkooda shaqo.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post