396 Views

Haramcad kol hore Hindiya ugu danbeysay oo lagu wadaa inuu ku dhex mushaaxo dalkani

Haramcad kol hore Hindiya ugu danbeysay oo  lagu wadaa inuu ku dhex mushaaxo dalkani
____________________________________________________________________________

Sabti: September 17, 2022


Haramcad kol hore Hindiya ugu danbeysay, ayaa lagu wadaa inuu ku dhex mushaaxo dalkani, markii ugu horreysay tan iyo markii si rasmi ah looggu dhawaaqay inuu ka dabar go’ay sannadkii 1952-kii.

Koox ka kooban sideed Harambcad, ayaa laga keenay dalka Namibia, iyadoo lagu soo beegay banbixin tooda munaasabada dhalashada Ra’iisul Wasaare, Narendra Modi, maanta oo Sabtidi ah.

Waxay mari doonaan karantiil muddo bil ah, ka hor inta aan lagu sii dayn beerta qaranka ee bartamaha Hindiya.

Haramcadku ayaa waxay kal hore ula wadaagi jireen kaymaha bahda bisadaha kale ee waaweyn, sida Libaaxa iyo Shabeellada, laakiin waa laga waayey dalkani 70 sano ka hor.

Waa xayawaanka ugu xawaara dheereeya adduunka, marka la eego dhanka barriga, kaasoo awood u leh inuu jaro xawaare dhan 70 mayl (113km) saacaddii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post