1332 Views

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla Dhuusamareeb

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Saakay Waaberigii hore ayaa waxaa Garoonka diyaaradha Magalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka degtay Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen Ammaanka Garoonka diyaaradaha oo ay horay ugu sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB iyo Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay inay xoojinayaan Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in maalmaha soo  socda ay tagaan wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa Shieka dib u heshiisiinta Galmudug oo dhawaan halkaasi ka furmaya.

Si kastaba Ciidamadan Maanta ka geeyay Magalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadeya xilli xalay Saraakiishii Ciidamada Ahlusunna ee lagu biiriyay kuwa dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay ka amar qaataan Madaxda Sare ee Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment