240 Views

Sarkaal Tirsanaa Ciidamada Dowlada oo Alshabaab u Fududeeyey Qaraxyada iyo Dilalka oo Maxkamada Lasoo Taagay

Sarkaal Tirsanaa Ciidamada Dowlada oo Alshabaab u Fududeeyey Qaraxyada iyo Dilalka oo Maxkamada Lasoo Taagay
____________________________________________________________________________

Sabti: January 7 2023 

Qaraxyadii ay dad badan ku halaagmeed ee ka kala dhacay Village, Liido, Moolka Muqdisho, Hotel Wehliye, Villa Baydhabo iyo meelo kale ayuu baraha koontaroolada kasoo gudbiyay baabuurta qaraxa waana sarkaal ciidanka qaranka sida lagu baahiyay muuqaal kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayu kasoo Muuqday sarkaal kaan oo Gaaray Darajada Kaptan laguna Magacaabo Shariif  Sarkaal kaan ayaana Sheegay inuu Alshabaab ka Iibiyay Hub sidoo kale Qaraxyo Badan U Gudbiyay kuwaas oo Dad badan ku Nafwaayeen.

Wuxuuna Sheegay in Asagoo Ah Taliyaha Ururka Lixaad laga Qaaday Xilka Taas oo Uu sheegay inuu Ka Xanaaqay Xilka Qaadistaas isla markaasna uu Alshabaab u Tagay kana Codsaday inuu la shaqeeyo sidaasna uu ugu Biiray Alshabaab asagoo kabtan Sare ah kana Tirsan Ciidanka Dowlada .

Gudoomiye Shuute ayaana Ku Dhawaaqay in Maxkamada Go.aan ka Gaaro Doonta Maalmaha Soosocda .

Dad badan ayaa Horay u aaminsanaa in Ciidamda Dowladu Qaar ka Mid ah Alshabaab u Fududeeyaan Gudbinta Qaraxyada Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Waan sarkaal kii Labaad oo Lashaqaynaayay Alshabaab oo Maxkamada lasoo Taago.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Dil Toogasha ah Ku Xukuntay Sarkaal Fududeeyey Weerar lagu Qaaday Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho kaaso lagu Dilay Dad isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post