783 Views

Wasiir shaaciyey hal Arrin oo ay uga qeyb-galeyn Shirka Garoowe

Wasiir shaaciyey hal Arrin oo ay uga qeyb-galeyn Shirka Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo hadal ka jeediyey Shirka wadatashiga ee ka socda Garoowe ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in wax wanasgan kasoo baxaan Shirkaas.

 

Waxaa uu sheegay in,iyaga oo Wasiiro dhowr ah oo ka socda Dowladda Federaalka ay shirkaasi uga qeybgaleen inay ogaadaan waxa ay Puntland ka tabaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya si xal loo gaaro.

 

 

 

“Xaqiiqdii in ka badan 4 Wasiir iyo Wasiiru dowlayaal ka socda ayaa shirkaan goobjoog ka ah anaga Puntland ayaan ku metelnaa Dowladda Federaalka,waxaana halkaan u joognaa inaan dhagaysano tabashada dadka Reer puntland ayuu yiri”Wasiir Sadiiq Warfaa.

 

Waxaa uu sidoo kale Wasiir Sadiiq Warfaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Puntland uu rajeynayo in xal laga gaaro,waxaana uu ka codsadey Madaxweynaha Puntland in uu u raaco Magaalada Muqdisho.

 

Ugu dambeyn waxaa uu soo hadal qaadey wasiir Xildhibaan Sadiiq Warfaa in dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaal farabadan,isla markaan aan laga cabsi qabin inay dalka ka dhici weyso doorasho qof iyo Cod ah,waxaana uu sheegay inay dhaceyso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment