402 Views

Guddoomiyihii shirkadda shidaalka ee Ruushka Ravil Maganov uu geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay daaqadda isbitaalka

Guddoomiyihii shirkadda shidaalka ee  Ruushka Ravil Maganov uu geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay daaqadda isbitaalka
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa sheegaya in guddoomiyihii shirkadda shidaalka Lukoil ee dalka Ruushka Ravil Maganov uu geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay daaqadda isbitaalka.

Maganov, oo 67 jir ah, ayaa lagu daweynayay Isbitaalka dhexe ee magaalada, waxaana uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta Ruushka.

Waa ninkii ugu dambeeyay tiro ka mid ah madaxda sare ee ganacsiga ee u dhinta xaalado qarsoodi ah oo aan war badan laga haynin.Wax yar ka dib markii Ruushku galay Ukraine, Lukoil wuxuu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Horraantii bishii Maarso, guddiga Lukoil ayaa ku baaqay in colaadda Ukraine la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan, iyagoo muujiyay dareenkooda ku aaddan xaaladda.Ravil Maganov ayaa laba sano ka hor la wareegay xilka guddoomiyaha guddiga Lukoil. 1993-kii waxa uu ka shaqo bilaabay shirkad shidaal oo gaar loo leeyahay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post