984 Views

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maanta baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee Magaalada muqdisho.

 

Warka ayaa intaas ku darayaan in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay,xilli uu ku sugnaa agagaarka Kawaanka degmada Xamarweyne balse weli ay maqan yihiin labada kale.

 

 

 

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin a Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha baxsaday mid kamdi ah uu ku xukunaa Xabsi daa’in halka midka kale uu ku xukunaa 15 Sano oo Xabsi ah.

 

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo,waxaana cadeyn sababta keentay in Maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment