375 Views

Ilaa iyo 25,000 oo caruur ah oo lagu la yahay qaarada Afrika, sida ay ku dhawaaqday guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas

Ilaa iyo 25,000 oo caruur ah oo lagu la yahay qaarada Afrika, sida ay ku dhawaaqday guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas
____________________________________________________________________________

 Arbaco: AUGUST 31, 2022

Ilaa iyo 25,000 oo caruur ah, ayaa lagu qiyaasayaa in lagu dhex la yahay qaarada Afrika, sida ay ku dhawaaqday guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, si ay ugu noqoto xusuus maalinta caalamiga ah ee ambashada/lumista.

Tirada ayaa ka dhigan 40%, tirada guud ee dadka lagu layahay ee qaaradda, sida ay soo gudbisay hey’adda ICRC.

Waxay muujisay walaac ah in waayida carruurta ay gelineyso halis weyn oo jireed, mid maskaxeed iyo dhibaatooyin kalaba.

ICRC ayaa sheegtay in tirada dadka la la’yahay ee Afrika ay kor u sii kacayso, iyadoo sanadkan ay gaartay 64,000 oo qof.

Sababaha waxaa ka mid ah iska hor imaadyada hubeysan, tahriibka khatarta ah iyo qabirista dadka.

Hey’adda ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay in ka badan 5,000 oo kiis oo carruur, oo aan lala socon oo ku nool Afrika. Laakiin sannadkii hore waxay gacan ka geysatay dib u celinta, oo dadkii la midoobay qoysaskooda in ka badan 1,200 oo ruux.

Maalinta caalamiga ah ee dadka la waayay, ayaa sanad walba laga xusaa caalamka, si looggu soo jeediyo dareenka dadweynaha dunida dadka maqan, kuwa xiran ama goob mucayina lagu hayo, iyo kuwa kusugan xaalad xun oo aanay ka warqabin qoysaskooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post