1299 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in dablayda dilka gaysatay ay ka qaateen Boorso uu sitay, iyagoo si deg dega uga cararay goobta, waxaana intaasi kadib tegay Ciidamo ka tirsan booliska dalka Koonfur Afrika, in kastoo aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Soomaalida ay ku badan tahay ee  Bellville oo ku taalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in walwal xoogan uu soo wajahay kadib markii dhowrkii malmood ee la soo dhaafay sibareera ah loo dilay Soomaali farabadan.

Dalka Koonfur Arfrika ayaa waxaa sanadkaan 2021 ku batay dilalka loo geeysanayo Soomalida, waxaana todobaadkaan gudihiisa dalka Koonfur Afrika lagu dilay 6 muwaadin oo Soomali ah, halka tiro kale lagu dhaawacay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post