876 Views

Alshabaab oo sheegatay in ay la wareegeen deegaanka Ceel-Dheere ee Duleedka dhusamareeb 12 sano kadib..

Alshabaab oo sheegatay in ay la wareegeen deegaanka Ceel-Dheere  ee Duleedka dhusamareeb 12 sano kadib..
____________________________________________________________________________

Qoraal ay soo dhigeen Al-shabaab bartooda ayay ku sheegeen Dagaalyahanada kooxdooda ay  xalay la wareegeen deegaanka Ceel-Dheere oo hoostaga Dhuusamareeb, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Somalia & kuwa maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay si Nabadoon ay kula wareegeen deegaankaas oo u dhexeeyo magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan halkaasi.

Dhinaca kale Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dhaq-dhaqaqaayadaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Maamulkii Ahlusuna ee la gala Wareegay Deegaanadaas ayaa dagaal xoogan kula jiray Shabaab, Mana jirin Dhul balaarsi heerkaan la eg.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post