612 Views

Maxabiis ku geeriyootay dab kacay xabsi ku yaalla Indonesia

Maxabiis ku geeriyootay dab kacay xabsi ku yaalla Indonesia
____________________________________________________________________________

 
Arbaco: September 8, 2021

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhimatay 70 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray markii uu dab ka kacay aroornimadii hore ee saakay xabsi ciriiri ah oo ku yaalla galbeedka gobolka Banten ee dalka Indonesia.

Wasiirka sharciga iyo xaquuqul insaanka Indonesia Yasonna laoly, ayaa booqday halka ay mashaqadu ka dhacday, wuxuuna sheegay in jeelku uu buux dhaafay kana jiray ciriiri daran, iyadoo xilligii uu dabku kacayay ay xirnaayeen qaar kamid ah qolalka ay ku jireen maxaabiista.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan laba nin oo kasoo kala jeedda dalalka Koofur Afrika iyo Portugal.

Boliiska dalka Indonesia ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dabka halkaasi ka kacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post