612 Views

Meydka ra’iisul wasaarihii hore oo Muqdisho laga soo dejinaayo

Meydka ra’iisul wasaarihii hore oo Muqdisho laga soo dejinaayo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 10 |  2020
—Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa goor dhow lagu waddaa in laga soo dejiyo garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Maalintii shalay aheyd ayaa lagu waday in la keeno Muqdisho laakiin sababo jira ayaa dib loogu dhigay oo ay ka mid yihiin in baaritaano lagu sameeyo waxyaabaha keenay geeriddiisa.

Khamiistii ayuu geeriyooday Cali Khaliif Galeyr xilli uu ku sugnaa hoteel ku yaalla Jigjiga, waxaana maamulka ay sheegeen in uu u geeriyooday COVID 19.

Madaxweyne Ku-xigeenka Pintland, Axmed Karaash ayaa goordhaweyd u amba-baxay magaalada caasimadda Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qayb-geleyo Aas Qaran oo loo samaynayo, Prof Cali Khaliif Galaydh (AUH).


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post