1464 Views

Baadari Kenyan ah oo Muqdisho ka wadda faafinta Kiristaanimada

Baadari Kenyan ah oo Muqdisho ka wadda faafinta Kiristaanimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2019 —Baadari u dhashay dalka Kenya ayaa Muddo ku dhow Shan Sano waxaa uu ka waday Magaalada Muqdisho faafinta kiristaanimada  sidda uu shaaciyay Wargeyska wordandway.org.

Ninkaan Magaalada Muqdisho meel ka mid ah degan oo sababo Amni loo qariyay degmada ay tahay ayaa waxaa uu  degan yahay qol yar, waxaana halkaasi uu ku bara Kiristaanka dad isugu jira rag iyo dumar.
Shaqadda uu waddo ninkaan ayaa ah Mid qarsoodi ah oo lagu tala galay in lagu soo hoos qariyo Qandaraasyo dhanka dhismaha ah oo uu dalka Soomaaliya kusoo galay Shan sano ka hor.

Ninkaan Wargeyska uu qariyay Magaciisa waxaa loogu yeeraa John laakiin mahan Magaciisa rasmiga ah, Maadaama uu sheegay in uu cabsi weyn uu ka qabo in uu weeraro kala kulmo dadka Soomaliyeed oo 100% Muslimiin ah.

Mr John ayaa  wargeyska u sheegay dad badan  Soomaali  ah uu gaarsiiyay Kiristaannimada si qarsoodi ahna ku qaatay,kuwaas oo ka baqaya in ay la wadaagaan qoysaskooda.

“Si qarsoodi ah ayaan  u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John.

Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe in aysan Mas’uuliyad iska saarin ilaalinta Dastuurka dalka u yaalla.

Hoos ka akhriso qoraalka Wargeyska.

Christian Workers in Somalia Worship in Secret, Fear al-Shabab

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment