951 Views

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo gacan ka geysatay badbaadinta nolosha nin 71 jir ah oo wadnaha xanuun kaga dhacay.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo  gacan ka geysatay badbaadinta nolosha nin 71 jir ah oo wadnaha xanuun kaga dhacay.
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa gacan ka geysatay badbaadinta nolosha nin 71 jir ah oo wadnaha xanuun kaga dhacay.

Diyaaraddan Drones-ka ah ayaa qalab u dirtay dhakhtarka caawiyay ninkan, oo ku xanuunsaday baraf ku qabsaday banaanka gurigiisa oo ku yaalla magaalada Trollhattan ee dalka Sweden.

Ninkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa BBC-da u sheegay in ay ahayd wax cajiib ah sida uu caawinta ku helay.

Shirkadda Everdrone oo ah shirkadda iska leh diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa sheegtay in gargaarka caafimaad ee ninkaan loo fidiyay uu qaatay waxaan ka badneyn saddex daqiiqo kadib markii ay soo gaartay qaylo dhaanta lagu dalbanayay in ninkaas caawimaad caafimaad loo fidiyo.

Bukaanku wuxuu BBC-da u sheegay inuusan xasuusan wixii dhacay maalintaas oo ahayd horraantii bishii na dhaafaty ee December. Xaaskiisa ayaa sheegtay in nasiibku badbaadiyay ninkeeda.

Mid ka mid ah madaxda shirkadda Everdrone Mats Sallstrom ayaa aaminsan in tiknooliyadda ay qayb weyn ka qaadatay dadaalka wadajirka ah ee lagu badbaadinayo nolosha bukaanka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post