1587 Views

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Itoobiya

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Itoobiya
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.” ayaa lagu yiri fariin ka soo baxday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.”

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post