1587 Views

Qadar oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha qorshii xilka looga tuuray Xasan Cali Kheyre.

Qadar oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha qorshii xilka looga tuuray Xasan Cali Kheyre.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020-Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa kaalin ku lahayd qorshihii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo xafiiska joogay ku dhowaad 40 bilood, sidda shaaca looga qaadey maqaal lagu daabacay wargayska ka soo baxa Nirobi ee Daily Nation.

Warbixinta lagu daabacay wargayska oo ciwaan looga dhigay “Soomaaliya ha laga badbaadiyo Farmaajo iyo Xildhibaanada aan daacadda ahayn” ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in qurba-joog la safan Farmaajo ay maageliyeen qorshaha xilka looga tuuray Xasan Cali Kheyre.

Warbixinta oo uu qoray Mr Mugwang yaki, oo ah lataliye dhanka isgaarsiinta iyo wariye hore oo dhan amaanka ayaan lagu soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadda, haddana waxay dab kusii shiday tuhunka laga muujiyey sidda guddoonka uu ku tiriyey codadka Xildhibaanadda lagu tilmaamay 170.

Maqaalkiisa ayuu ku sheegay in madaxda dowlada Faderaalka waqtigooda ku qaateen la dagaalanka dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo warbaahinta, iyagoo la shaqaynaya hal waddan oo Carab ah kana soo horjeeday kuwa kale isla markaana dagaal lagay Kenya oo ay ku nooliyiin malaayiin qaxooti Soomaali ah sida bayaanka ku cad

“Heshiiska Dhuusamareeb wuxuu abuuray rajo. Balse, baarlamaanka aan daacadda ahayn, oo uu taageerayo Farmaajo, qurba joogta saaxiibadiis ah iyo dalka saliida ka sameeya lacagta ayaa ku dhawaaqay “hadalka” kalsooni kala noqoshada ra’iisul wasaaraha iyaddooo aysan jirin coddeyn, habraac baarlamaan iyo mooshin la gudbiyey,” ayaa lagu yiri maqaalka lagu daabacay The Nation.

Saacad  kadib Madaxweynaha ayaa aqbalay eryida Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isagoo durba magacaabay ra’iisul wasaare ku meelgaar ah kana dhigay ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar.

Iyaddoo saacado kadib uu kalsooni kala noqoshada uu Khayre ku sifeeyay sharci darro haddana magacaabida Khadar waxa ay dhalisay dood dastuuri ah gaar ahaan qodobka 103 ee Axdiga ku meelgaarka ah

Qodobkaas wuxuu xeerinayaa in ra’iisul wasaaraha xilka laga qaado uu xukunka sii joogayo illaa laga soo magacaabayo shaqsigii bedeli lahaa.

Dhamaan talaabooyinkaan waxay u qaadayaan xulafada Farmaajo sidii ay u heli lahaayeen muddo kororsi laba sano ah maadaama waqtiga baarlamaanka dhacayo November, 2020, xukuumaddana Febraayo, 2021.

Xeerarka aan lagu heshiin.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in Barlamaanka, isaga oo adeegsanaya xeeladaha Madaxweyne Farmaajo, uu meel mariyay sharciyo badan oo aan la aqbali karin – oo ay ku jirto wax ka badalka xubnaha guurtida iyadoo la ansaxinayo 13 xubnood oo senate ka ah gobolka Banaadir iyada oo aan loo haynin tilmaamo ku saabsan sida loo qeybsanayo ama loo codeynayo.

Kaddib markii ay ku guul darreysteen in ay qaabeeyaan qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka, hoggaanka Hirshabelle, Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku caddeeyeen in loo baahan yahay in doorashada lagu qabto waqtigii loogu talagalay laguna raadiyo wadahadal dhexmara Xukumada iyo Dowlad-goboleedyada.

Farmaajo iyo Kheyre waxa ay ku biireen shirkii wadatashiga ee madaxweynaha ayaa sigaar Maamuladda Jubaland iyo Puntland uga hadlay in loo dheereeyo waqtiga sida maqaalka laga soo xigtay balse Xirfadaha diblomaasiyadeed ee Kheyre ayaa xakameeyay farqiga waxaana la isku raacay in doorashada waqtigeeda la qabto. Guddi farsamo loo saaro in ay qaabeeyaan qaabka doorashada oo ay horumariyaan jadwalka mar labaadna ay ku kulmi doonaan Dhuusamareb illaa Agoosto 15.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post