882 Views

Madaxweyne Deni oo Garowe ku qaabilay xubno ka socda Midowga Yurub

Madaxweyne Deni oo Garowe ku qaabilay  xubno ka socda  Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

Waxaa  goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada.

Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho.

Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho,  si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post