762 Views

Wafdi hordhac u ah M/weynaha Kenya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho ku soo wajahan

Wafdi hordhac u ah M/weynaha Kenya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho ku soo wajahan
____________________________________________________________________________

Talaado: June 7, 2022

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay magaalada Muqdisho  soo gaaraan wafuud hor u dhac ah u madaxweynaha Dalka Kenya Uhurru Kenyatta iyo R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdigan ayaa gogol xaar waxaa ay noqon doonaan masuuliyiinta ugu sareysa dalalkaasi oo Magaalada Muqdisho u imaanaya ka qeyb galka Caleema  saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaarya wafdi hor u dhac u ah madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafuud kala duwan oo isugu jira madaxda Geeska Afrika ayaa lagu casuumay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo in ay dhacdo 9 bishan oo beegan maalinta khamiista.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post