837 Views

Wararka Puntland oo faahfaahisay dagaal lagu qabtay xubno ka mid ah Al-Shabaab

Wararka Puntland oo faahfaahisay dagaal lagu qabtay xubno ka mid ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-20-2020–Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Al-Shabaab iyo Ciidanka Puntland ku dhexmaray Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigga Ciidanka maamulka Puntland ee Galgala.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/ Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 10 xubnood oo ka mid ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay dhaawacyo iyo xubno noolnool oo Shabaab ka tirsan, islamarkaana sidda ugu dhaqsiyaha badan caddaalada loo marsiin doono.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in Ciidanka Puntland lagu soo qaaday weerarka xilli ay shaqo ku jireen, islamarkaana ay suurtogashay in si buuxda looga guuleysto Shabaabkii goobta soo weeraray.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post