717 Views

Soomaalida Xaafada islii oo shalay si diiran u soo dhawaysay Danjire Cali ameriko oo soo bandhigay xaafada islii Buug uu ugu magac daray “Danjire Sawiro .

Soomaalida Xaafada islii oo shalay si diiran u soo dhawaysay Danjire Cali ameriko oo soo bandhigay xaafada islii Buug uu ugu magac daray “Danjire Sawiro .
____________________________________________________________________________

Isniin: july 26 2021

Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka qabsoomay Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo uu Safiirkii hore ee Somaliya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko uu ku soo bandhigayay Buug uu ugu magac daray “Danjire oo uu ka qoray xaalada Soomaaliya iyo taariiqdiisa.

Buug uu ugu magac daray “Danjire” oo uu ku soo aruuriyay macluumaadka dibulumaasiyada, xaalada dalka Soomaaliya iyo arrimo badan oo kale, ayaa Waxaa xafladii lagu soo bandhigayay ka soo Qeyb galay Madax uu ka mid ahaa Xildhibaanka laga soo doorto Degmada kaamakuuji ee xaafada islii Yuusuf Xasan, Madax iyo Marti sharaf aad u badan

Yuusuf Xasan oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday Howsha Culus ee uu Danjire amerika ka qabtay Dalka Kenya intii uu  ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Qiimaha uu leeyahay Buuga, asaga oo sidoo kale ku amaanay Danjire amerika sida uu mar kasta u garab taagan yahay dadka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.

Axmed adaawe oo ah SafiirfkaMidowga afrika ee Somaliya iyo  Marti sharaf kale ayaa goobta ka hadlay, waxayna dhamaantood ku dheeraadeen sida Cali amerika uu u yahay muwaadin jecel dalkiisa, waxayna dadkii goobta ka hadlay isku raaceen in ay muhiim tahay in qofka Wax bartay in uu wax ka qoro xaalada Somaliya iyo taariiqdiisa, Xili somalida la sheego in ay yihiin dad aan wax qorin aqriskana ku badneen.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Danjire Cali amerika oo ka sheekeeyay intii uu qorayay Buugaan iyo waxa ku qasbay in uu qoro  Buug uu ugu magac daray “Danjire.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post