384 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa Turkiga Erdogan a ka wada hadlay arrimo dhowr ah Teleefoon,

Madaxweynaha Soomaaliya oo  dhiggiisa Turkiga  Erdogan a ka wada hadlay arrimo dhowr ah  Teleefoon,
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Reccep Tayib Erdogan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeyay labada dal iyo arrimaha gobolka kadib ay ku xiriireen teleefoon, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen “heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxibtinimada labada dal’

Turkiga wuxuu sii wadi doonaa dadaallada uu Soomaaliya uga taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga, Anadolu.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tegay dal uu kamid yahay Turkiga oo ay ku heshiiyeen xoojinta arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post