2541 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle
____________________________________________________________________________

Jowhar, October 15, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-9 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-11 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-1 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-10 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-7 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-8 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-2 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-6 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-3 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-5 rw-khayre-dhagaxdhigay-jowhar-4

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment