822 Views

DEG-DEG:-Wararkii ugu dambeeyay shirka RW Rooble & Midowga Musharixiinta

DEG-DEG:-Wararkii ugu dambeeyay shirka RW Rooble & Midowga Musharixiinta
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 25 2021–
Gordhow ayaa waxaa la filayaa in Hotelka Decale oo ku yaal Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho in uu ka furmo shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Waxaa Goordhow hotelka Decale gaaray Xubnaha Midowga Musharixiinta oo uu hoggaminay Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Shirka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadli doonaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo , dhacdooyinkii dhacay 19-kii Bishaan iyo sidii loo baajin lahaa banaanbaxa ay Musharixiinta ku dhawaaqeen inay qabanayaan Maalinta Berito ah.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post