735 Views

Jigjiga oo lagu qabtay Banaanbax lagu taageerayay Dagaalka Abiy ahmed uu ku qaaday Tigray

Jigjiga oo lagu qabtay Banaanbax  lagu taageerayay Dagaalka  Abiy ahmed uu ku qaaday  Tigray
____________________________________________________________________________

Axad February 7, 2021

Madaxweyanaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo maanta ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Jigjiga ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan howlgalkii dowladda ay ku qabsatay gobolka Tigray.

Wuxuu sheegay in tallabadaas ay xaqiijisay amniga iyo xasiloonida dalka.

“Waxaa aad loogu farxa ah in kooxdii 27 sano dhiig miiratada aheyd oo dad laayneysay ee umadda baabi’isay in dalka laga qabtay isbaddalkaas oo maanta keenay in dalka xasiloon yahay”

Jigjiga waxaa lagu qabtay banaanbaxyo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Itoobiya Axmed iyo isbaddalada ka dhacay dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post