819 Views

Itoobiya oo sheegtay in agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka uu taageero urur argagixiso Tigray

Itoobiya oo sheegtay in  agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka   uu taageero urur argagixiso  Tigray
____________________________________________________________________________

\Arbaco: july 21 2021

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa dhawaan daabacday warbixin ay uga hadlayso agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka, Dr Tedros Adhanom, kaasoo ay ku eedaysay in uu ololeeyo urur argagixiso ah oo ay ula jeedo Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Wakaaladda ayaa sheegtay in Tedros bishii la soo dhaafay uu qoray farriimo uu taageero ugu muujinayo ururka TPLF isla markaana uu ku dhaliilayo xukuumadda Federaalka.

Waxa ay si gaar ah ugu eedaysay agaasimaha guud in uu u debaal-degay ku soo laabashadii TPLF ee caasimadda Mekelle.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar been ah oo sheegaya in Dr Tedros uu ka baxay Itoobiyaannimada.

Dadka faafinayaa warkaas beenta ah ayaa qaatay waraysi ay BBC la yeelatay nin dhakhtar ah oo lagu magacaabo Tewodros Tefera, kaasoo sanadkii hore u warramay weriye Andrew Harding xilli uu ku sugnaa xero qaxooti oo ku taal Sudan.

“Hadda kama fekerayo in aan Itoobiyaan ah, marka ma sii wadan doono baasaboorka Itoobiya,” ayuu xilligaas sheegay Tewodros.

Magaca Tewodros ayaa mararka qaar loo qoraa Tedros.

Waa kuma Dr Tedros Adhanom?

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus waa 56 jir Itoobiyaanka ah oo tan iyo July 2017 hogaaminayay hay’adda caafimaadka adduunka. Waxa uu noqday Afrikaankii u horreeyay ee xilkaas loo doorto.

Waxa uu sanadkii 1965 ku dhashay magaalada Asmara oo xilligaa ka tirsaneyd dal-weynihii Itoobiya.

Dhakhtarkan ku takhasusay biology-ga iyo caafimaadka dadweynaha ayaa ah hal xaasle dhalay shan carruur ah.

Shaqooyinkii uu horay u soo qabtay waxaa ka mid ah in uu soo noqday wasiirkii hore ee caafimaadka ee Itoobiya waxaa kale oo uu wasiir ka soo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Soomaalida dhexdheeda, waxaa si weyn loogu xusuustaa in uu ka soo muuqan jiray fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya.

Waxa uu dowr muhiim ah ka cayaaray heshiiskii Addis Ababa ay 2013 ku gaareen dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kaasoo loogu aqoonsaday hogaamiyaha Jubbaland.

Markii uu bilowday duulaankii ay dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray, waxa uu Tedros beeniyay in uu hub u iibiyay xooggaga TPLF.

Balse xukuumadda Addis Ababa ayaa weli diiradda ku haysa mas’uulkan asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post