2520 Views

Hogaamiyaha Al-Shabaab Iyo Ciidamo La Socda Oo Maanta Lagu arkay G/Gedo.

Hogaamiyaha Al-Shabaab Iyo Ciidamo La Socda Oo Maanta Lagu arkay G/Gedo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 02, 2017 – Hogaamiyaha Guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu-Cubeyda iyo Boqolaal ka mid ah Ciidanka Al-Shabaab ayaa maanta lagu arkay deegaano ku yaalo duleedka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil ka mid ah Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Gedo ayaa Shabakada Qaranimo  u xaqiijiyay in hogaamiyaha Al-Shabaab oo ka baxsanaya duqeymaha dhinaca Cirka ah ay soo galeyn dhulka keynta ah ee ku dhaw degmada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo.

Sidoo kale qaar ka mid ah Shacabka ku nool duleedka magaalada Garbahaarey ayaa Shabakada Qaranimo Online  u xaqiijiyay in ay arkayn Ciidan badan oo hubeysan iyo Gawaari si gaar ah loo ilaalinayo waxaana dadka shacabka ah qaarkood ay sheegayaan in loo diiday in ay ka agdhawadaan meelaha ay dageyn Al-Shabaab.

Sidoo kale Shabaab ayaa dadka ku amraya in ay ka fogaadaan goobaha ay dageyn sidoo kale Telephone-ka ayaa loo ogolayn in ay ku hadlaan Shacabka ku nool Duleedka Garabahaarey sida ay sheegeen qaar ka mid ah Shacabkii ku sugnaa goobahaasi oo soo gaaray Garbahaarey lana hadlay KNN.

Maraykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca Cirka ah waxaana mudooyinkii dambe Shabaab ay bilaabeyn in ay ka baxaan dhul muhiim u ahaa, Goobaha ugu badan oo ay Al-Shabaab ka baxeyn waxaa ka mid ah Gobalka Jubada dhexe, Sh/Hoose, iyo meelo kale.

Sidoo kale Al-Shabaabkii ka baxsaday duqeymaha Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku qul qulayaan Gobalada dhexe ee Soomaaliya, Arintaan ayaa u muuqata in Al-Shabaab ay wajahayaan culees badan oo kaga imaanaya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment