1044 Views

Ninkii askarta ka dilay CIA-da ee saaxiibbadiis ay sida khiyaanada ah ku geeyeen safaaradda Mareykanka

Ninkii askarta ka dilay CIA-da ee saaxiibbadiis ay sida khiyaanada ah ku geeyeen safaaradda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Maantoo kale, 14-kii bishii November ee sanadkii 2002-dii waxaa la daldalay Mir Aimal Kansi, oo lagu helay dambiga ah inuu fal toogasho ah ka geystay xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halkaasoo uu ka geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaase layaab lahayd sida lagu soo qabtay ninkaas.

1993-kii, ayuu ninkan oo lagu magacaabi jiray Mir Kasi geystay weerarka islamarkiina waxaa u siirtagashay inuu ka tago Mareykanka oo uu u baxsado waddankiisa Pakistan.

Meel isgoys ah oo ku taalla albaabka laga galo xarunta CIA-da hortiisa, magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, ayay baabuurtu ka taagnaayeen nalka casaanka ah.

Mar qura ayuu nin qori wata ka soo booday gawaarida gadaashooda waxa uuna billaabay in uu rasaas furo. Ilbiriqsiyo gudahood, labo xubnood oo ka tirsanaa CIA-da ayaa isla goobta ku dhintay saddex kalena way dhaawacmeen. Dhacdadaas waxay ku aaddaneyd 28 sano ka hor, 25-kii bishii January ee sanadkii 1993-kii.

Xilligaas oo ahayd siddeed sano ka hor markii uu dhacay weerarkii 9/11, waxaa la sheegay in weerarka uu geystay Mir Kasi uu ahaa kii ugu weynaa ee lagu qaado laan ka tirsan dowladda Mareykanka.

Booliska maxalliga ah, FBI-da iyo CIA-da ayaa dhammaantood ku lug lahaa baaritaannada la xiriiray dhacdadaas, markii ugu horreysayna waxaa la baarayay in falkaas uu ahaa mid uu ninka u geystay si shakhsi ah ama inuu ahaa weerar argagixiso oo abaabulan.

Baareyaashu waxa ay goobta ka heleen 10 fooq oo rasaas ka dhacday iyo xabad aan wali qarxin, taasoo muujineysay in ninka hubeysnaa uu qoriga ka leeb dhacay kana hallaabay.

Dumar ka badbaaday weerarkaas ayaa askarta ka caawiyay inay tilmaamaan ninka waxaana lagu soo daabacay wargeysyada. Telefoon gaar ah ayaa loo sameeyay si ay shacabka ugu soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira ninkaas haddii ay meel ku arkaan.

Kumuu ahaa Aimal Kansi?

Magaciisa oo dhammeystiran waa Aimal Khan Kansi. Wareysi uu isaga qudhiisa mar siiyay BBC-da ayuu ku sheegay inuu magaciisa uga diiwaan gashanaa iskuulka uu ahaa Mir Aimal Khan Kansi.

Emil Kansi waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuul ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistan, halkaasoo ah isla meeshii uu ku dhashay.

Waxa uu waxbarashada heerka sare ku qaatay macadka Quetta, shahaadada ilaa heerka labaadna waxa uu ku takhasusay maaddda ingiriiska oo uu uga baxay jaamacadda gobolka Balochistan.

Waxaa la sheegay in waqtigii uu waxbarashada ku jiray uu ka mid ahaa ardayda u janjeera dhinaca xagjirnimada, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah saaxiibbadiis.

Aimal Kansi waxa uu kasoo jeeday qoys taageera siyaasadda qarannimo jacaylka. Aabihiis waxa uu lasoo noolaa hoggaamiyeyaashii Pashtun-ka ee la oran jiray Ghaffar Khan iyo Abdul Samad Khan.

Mareykanka waxa uu tagay sanadkii 1991-kii, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay nin ay saaxiib ahaayeen oo dagganaasho ka heystay. Ujeeddadiisa ugu weyn ee uu Mareykanka u galay waxay ahayd inuu ganacsi ka sameeyo, balse waxa uu ugu dmabeyntii noqday gacan ku dhiigle.

Sidii layaabka lahayd ee lagu qabtay

Hal maalin kaddib markii uu weerarka geystay Aimal waxa uu u duulay dalka Pakistan, halkaasoo uu uga sii gudbay Afghanistan. Mar su’aalo la weydiinayay qabashadiisa kaddib waxa uu sheegay inay martigeliyeen xubnaha Taliban oo markaas maamulayay qaybo ka mid ah wadankaas.

Dowladda Mareykanka waxay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 2 milyan oo doolar oo abaalmarin ahaan loo siinayo qofkii keena macluumaad horseedaya in lasoo xiro Mir Kansi.

Kiiskan aad buu u adkaa, sababtoo ah ninka la doon doonayay waxa uu aha muwaadin u dhashay dal kale, xilligaasna aan ku sugneyn gudaha Mareykanka, sida laga soo xigtay wakiillo ka tirsan hay’adda FBI-da.

Albaabkii safaaradda oo lasoo garaacay

Bradley Garrett oo xubin ka ahaa FBI-da ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in nin dagganaa magaalada Quetta uu lasoo xiriiray safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Karachi, uuna u sheegay inuu garanayo qofka ay raadinayaan Mareykanka. Waxa uu sheegay inuu og yahay meesha uu ku sugan yahay.

“Waan idiinku keeni karnaa meesha aad rabtaan balse waxaa loo baahan yahay lacag,” ayuu ku yiri.

Sida uu sheegay Garrett, durbadiiba waxaa yimid qaar ka mid ah odayaal dhaqameedkii qabaa’ilka Afghanistan. Sawir cusub oo laga soo qaaday Amail ayay ku wareejiyeen Mareykanka si ay u muujiyaan in ay meel ku oh yihiin.

Kaddib waxa ay u keeneen dhalo ay sheegeen in ay ku yaallaan raadadka farihiisa, taasoo markii baaritaan lagu sameeyayna ay waaxda baaritaannada Mareykanku xaqiijisay inay yihiin farihii Kansi.

Madixii laanta CIA-da, sarkaalkii ugu sarreeyay gobolka, wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo hoggaanka FBI-da waxay dhammaantood billaabeen inay wadahadal la furaan dowladda Pakistan. Xilligaas Pakistan waxaa xukumayay Nawaz Sharif.

FBI-da waxa ay sidoo kale la xiriirtay hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI si Kansi looga hor istaago inuu ka baxo waddanka. Waxay heysteen diyaaradaha qumaatiga u kaca, meel walba oo ka mid ah Pakistan ayayna ku duuli kareen. ISI waxaa laga codsaday in markii loo baahdo ay soo gurmadaan.

Aimal Kansi qudhiisa ayaa BBC-da goor dambe u sheegay in ay u imaadeen qaar ka mid ah saaxiibbadiis ayna u sheegeen in ay aadayaan magaalada Dera Ghazi Khan si ay halkaas uga soo sameeyaan heshiis ganacsi oo muhiim ah, sidoo kalen ausoo iibsadaan waxyaabo badeecooyin ah.

Kama uusan warqabin in ay sawirkiisa iyo farihiisa geeyeen safaaradda Mareykanka, ayna doonayaan in ay si khiyaano ah gacanta ugu galiyaan Mareykanka.

“Mid ka mid ah ayaa igu yiri waxaa tahay nin aqoonyahan ah, luuqadda urdu ayaad taqaannaa, ina keen. Waan ku kalsoonaa, sidaas darteed waan raacay. Meeshaas markii aan tagayna, habeen saq dhexe ayaa la isoo weeraray waana la i xiray,” ayuu yiri.

Waxay ahayd habeenkii 15-kii June, 1997-kii

Sida laga soo xigtay Bradley Garrett, FBI-du waxa ay jaajuus u direen hoteelka lasoo dejiyay Kansi si uu xogta ugu soo gudbiyo. Afar xubnood oo FBI-da ka tirsan oo Garrett laftiisa uu ku jiro, oo laga soo diray safaaradda Mareykanka ayaa ku labistay khamiisyo si ay u fuliyaan howlgalka lagu soo xirayo ninka la doondoonayo.

Markii ay gaareen albaabkii hoteelka, waxay ogaadeen in uu gudaha ka xiran yahay. Waardiyihii ayaa u yimid waxayna ka dhaadhiciyeen inay gudaha u gudbaan.

Qolkii uu ku jiray markii ay tageen dhowr jeer ayay saaxiibadiis ku garaaceen, iyagoo u sheegaya in la gaaray xilligii salaadda. Islamarkii uu albaabka ka furayba waxaa gudaha xoog ku galay askartii FBI-da, halkaas ayaana lagu soo xiray Mir Aimal Kansi.

Qorsheyn kaddib, eedeysanaha waxaa lagu celiyay Mareykanka, halkaasoo ay uga billaabatay maxkamadeynta la xiriirta weerarkii uu geystay.

10-kii bishii November ee sanadkii 1997-kii ayaa lagu riday xukun dil ah kaddib markii ay dambiga ku heleen garsooreyaasha maxkamad fadhigeedu yahay gobolka Virginia. Xukunka daldalaadda ahna waxaa lagu fuliyay 14-kii November, 2002-dii.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post