1389 Views

Madaxweynihii hore ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya oo la laayay Walaalihiis iyo Qaraabadiisaa.

Madaxweynihii hore ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya oo la laayay Walaalihiis iyo Qaraabadiisaa.
____________________________________________________________________________

Arbaco:  December 29, 2021

Waxaa weerar lagu dilay saddex wiil oo la dhashay madaxweynihii hore ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaaday gurigiisa oo ku yaalla gobolkaas, sida dadka deegaanka ay u sheegeen BBC, Amharic.

Waxaana sidoo kale halkaa lagu dilay afar qof oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Alemayehu Atomsa.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Konchi Kebele oo ka tirsan magaalada Jimma ee gobolka Oromia.

Waxaana weerarkan lagu eedeeyay inay ka dambeysay kooxda ay dowladda ku tilmaantay ‘argagixiso’ oo ka howlgasha halkaas, inkasta oo kooxda aysan weli ka hadlin dhacdadan.

Office Nairobi Kenya

Madaxweyne hore ee gobolka Oromada Alemayehu Atomsa
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post