1278 Views

Shir looga arrinsanayo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30% ah oo Muqdisho ka furmay.

Shir looga arrinsanayo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30% ah oo Muqdisho ka furmay.
____________________________________________________________________________

 Talaado:August 24, 2021

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir laba maalmood soconaya oo looga arrinsanayo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30% ah.

Shirka oo ay qeyb ka tahay AMISOM ayaa waxaa looga arrinsaday waxa ka qabsoomay hubinta qoondada haweenka iyo caqabadaha taagan.

Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo ah wasiirka haweenka ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay inay diyaariyeen habraaca ay ku xaqiijin lahaayeen doorashada boqolkiiba 30-ka ah.

Waxaa ay sheegtay in la magacaabay guddigii xaqiijinta qoondada dumarka, isla markaana ay wasaaraddu diyaarisay xarun ka hawl gali doonta gobolka Banaadir isla markaana gobollada kale kuleh xafiis, taas oo loogu adeegayo musharixiinta.

Nafisa waxaa ay sheegtay in la sugi doono dhamaan amniga doorashada ee haweenka isla markaana ay dumarku diyaar u yihiin doorashada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post