249 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan Muqdisho oo ka soo muuqan soo dhawayntii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha   Puntland Siciid Deni oo ku sugan Muqdisho oo  ka soo muuqan soo dhawayntii Madaxweynaha  Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
____________________________________________________________________________

Arbaco: DECEMBER 28, 2022

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaan ka soo muuqan safka dheer ee ay madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dawladda Faderaalka u galeen soo dhaweynta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni uu bilowgii ole-lihiisii doorashada  Soomaaliya ee 2022-kii, u tagey Ismaaciil Geelle si uu garab uga helo, laakiin Madaxwayne Geelle ayaa iska diiday.

Madaxwayneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka qayb galay soo dhowaynta Madaxwaynaha Jabuuti ee Muqdisho.

Soo dhowaynta Madaxwaynaha Jabuuti ayaa Muqdisho siwayn looga dareemay kadib markii  dhammaan duulimaadyadii  diyaaradaha ee tageyey  la joojiyey, sidaas oo kale wadooyinka oo dhan ayaa la xidhay.

Maxay kula tahay ?

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post