1206 Views

Muxuu muhiim u yahay Shirweynaha Ruushka & Afrika?

Muxuu muhiim u yahay Shirweynaha Ruushka & Afrika?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Waxaa maanta lagu wadaa in magaala xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka uu ka furmo, shirweynihi ugu horreeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka qaaradda Africa.

 

Shirkani oo uu hadafkiisa yahay in Ruushka uu saameyn ballaaran ku yeesho Africa sida Shiinaha iyo Mareykanka oo kale, ayaa socon doona laba maalmood, waxaana ka qeybgalaya wufuud gaareysa 3,000 oo qof oo ka kala socda dhamaan 54-da wadan ee ay ka koobantahay Qaaradda Africa.

 

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furi doona, waxaana la shir gudoomin doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo hadda ah madaxa ururka Midowga Africa.

 

Ilaa 43 hogaamiye ayaa madasha ku kulmeysa, waxaana ku jira hogaamiyaha dalalka Angola iyo Ethiopia oo ka mid ahaa dalalki aadka ugu dhawaa Midowgii Soofiyeeti Ruushka. Waxaa kale oo jooga madaxda dalal aanan Ruushka xiriir wanaagsan lasoo yeelan sida Nigeria iyo Ghana.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka iyo Africa maanta uga furmaya magaalada Sochi ee dhaxda xeebta Bada Madow ee Ruushka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment