873 Views

Ciidamada amniga Puntland oo maalintii 2aad howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada duleedka magaalada Boosaaso

Ciidamada amniga Puntland oo  maalintii 2aad howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada duleedka magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

6-da Marso 2021

Ciidamada kala duwan ee amniga Puntland ayaa maalintii 2aad howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada duleedka magaalada Boosaaso iyo degaanada ku teedsan Buuraleyda Galgala.

Hawlgalka ayaa daba socday weerarkii Al-Shabaab habeen hore ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso, kaasoo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa dagaalo goos goos ah ay dhexmareen ciidamada Puntland iyo Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo isku fara saaray dhulka buuraleyda ah.

about:blank Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland sameeyeen ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen, halka qaar kalena ay dileen raggii weerarka ku soo qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post