894 Views

Fatahaado horleh oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Fatahaado horleh oo ka dhacay Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 14  2020–Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa mar kale ka dhacay fatahaado uu sameynayo wabiga Shabeelle, oo sanadihii ugu dambeeyey ay dhibaato ku qabeen dadka degan magaalada.

Fatahaadahan cusub, oo yimid xilli ay socdeen dadaallo lagu xakameynayo fatahaadaha ama lagu yareynayo khasaarahooda, ayaa keenay barakac ay dadka magaaladu sameynayaan.

Muddo 7 bilood ayaa laga joogaa fatahaadii ugu dambeysay oo dhacay bishii October ee sanadkii hore ee 2019, taasi oo sababtay khasaare nafeed iyo mid maal.

Qaar kamid ah dadka weli ku haray Magaalada Beledweyne ee aan barakacin ayaa waxaa ay sheegeen in Magaalada ay buux dhaafiyeen Magaalada,isla markaana badi dadka ay barakaceen.

Waxaa ay sheegeen in weli fatahaada aysan geysan khasaaro nafeed iyo min jantiyeed,balse loo baahan yahay in la sameeyo ka hortag si aysan ugu fatahin Gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment