933 Views

Puntland oo diiday qorshaha doorashada Soomaaliya

Puntland oo diiday qorshaha doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa xalay ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Mar uu ka hadlaayay qorshaha doorashada Soomaaliya ayuu sheegay in maamulka Puntland aysan aqbali doonin dhammaan hanaanka doorashada Soomaaliya haddii aysan la tashi la sameynin Madaxda Puntland.

Waxaa uu sheegay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin hanaanka doorashada ee qorshihiiso ka socdo Muqdisho hadii aan la gaarin heshiis Siyaasadeed oo buuxa.

Deni ayaa sidoo kale xusay in aysan ku matalin hanaanka doorashada Xildhibaanada kasoo jeedda labadda Aqal iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya , maadaama aysan ku imaan doorasho Shacabka ah ee ay ku yimaadeen xulasho.

Ugu dambeyntii waxaa uu ku baaqay in heshiis Siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada Soomaaliya, ka hor inta aan la bilaabin qorshaha hadda socda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment