624 Views

Jared Kushner oo sodog u ah Trump oo dhisaya koox ka shaqeysa sare u qaadidda xiriirka Carab ah iyo Israel

Jared Kushner oo sodog u ah  Trump oo dhisaya koox ka shaqeysa sare u qaadidda xiriirka Carab ah iyo Israel
____________________________________________________________________________

May 6, 2021

Jared Kushner, oo qaba Evanka Trump oo ah gabadha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa dhisaya koox ka shaqeysa sare u qaadidda xiriirka afar dal oo Carab ah iyo Israel, kuwaas oo sanadkii tegay gaaray heshiis uu gadaal ka riixayey.

Kushner oo la-taliye sare u ahaa madaxweyne Donald Trump ayaa dhisaya machadka nabadda ee Abraham Accords Institute for Peace, si uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ay Israel sanadkii hore la gashay Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco.

Kushner oo ah Yahuud ayaa sidoo kale qoraya buug uu uga hadlayo khibraddiisa ku aadan sida uu gacan uga gaystay fududeynta heshiiska.

Kooxda cusub ayaa waxaa kula biiraya danjirihii hore ee Mareykanka Avi Berkowitz iyo safiiradii hore ee Mareykanka ee Bahrian, Imaaraadka Carabta iyo Israel.

Heshiiska ay afartan dal ee Carbeed ay la galeen Israel ayaa waxaa ka hor-yimid Falastiiniyiinta oo sheegay inay jebiyeen ballan-qaadkii Carabta ee ahaa inaysan la heshiin Israel illaa ay ka baxdo dhulka ay haysato.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu xoojiyo, oo uu ballaariyo heshiisyada, mowqifkaas oo uu ku celiyey Talaadadii markii uu taleefon kula hadlay dhaxal-sugaha awoodda badan ee Abu Dhabi.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post