1035 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo qabtay shir looga arrin sanaayo xalada Abaaraha

Madaxweynaha Jubbaland oo qabtay shir looga arrin sanaayo xalada Abaaraha
____________________________________________________________________________


isniin: November 29, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubbaland kamid ah.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubbaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan,iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hadda tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynaha uu intaas ku daray in laga wada shaqaynayo sidii loo abuuri lahaa xal waara oo lagaga gudbo musiibooyinka soo noq noqda sida abaaraha iyo fatahaadaha si taas loo helana loo bahan yahay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha bulshada nugul.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in biyo xireenada wabiga Jubba iyo keydinta biyaha roobka ay muhiim u yihiin bulshada si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada abaarahu ay jiraan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post