1362 Views

Amar Cusub Oo Lagu Soo Rogay Shaqaalaha QM Ee Ka Howgala Muqdisho

Amar Cusub Oo Lagu Soo Rogay Shaqaalaha QM Ee Ka Howgala Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Qoraal Ogeysiin gudaha  oo ay QM u kala dirtay Shaqaalaheeda ka hawl-gala Somalia, ayey QM ku sheegtay inay dib u eegi doonaan Shaqaalaha ka jooga caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu QM iyo DFS  ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed iyo Duqeyntii bilowgii bishan lagu dhawaacay 3 ka mid ah Shaqaalaha QM oo ku sugnaa Xaruntooda Xalane.

Qoraalka Ogeysiinta waxay QM ku sheegtay in Go’aankaasi la qaatay sidii loo yarayn lahaa Shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo qorshahaasi  la meel-marin doono sida ugu dhaqsaha badan mustaqbalka  dhow.

Dhinaca kale, Shaqaalaha QM ee doonaya inay u soosafraan magaalladda Muqdisho ayaa loogu baaqay inay ku sii nagaadaan Caasimadda dalka Kenya ilaa amar dambe.

Tallaabadda QM ayaa waxaa lagu sababeeyey weerarkii Hoobiyaha ee bishan Janaayo 1-dii lagu duqeeyey Dhismaha QM ku leeyihiin Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Duqeyntaasi oo lagu dhaawacay 2 ka tirsan Shaqaalaha QM iyo Nin Qandaraasle oo u shaqeeya Hay’addaha Caalamiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment