1902 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la diwaangelin doono codbixiyeyaasha 2020-ka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la diwaangelin doono codbixiyeyaasha 2020-ka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabi doonto diwaan gelinta dadka codeyn doona Sanadka 2020-ka oo lagu waddo in ay ka dhacdo Soomaaliya doorasho qof iyo Cod.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku waddo hanaanka Dastuurka iyo doorashooyinka si wanaagsan.

Waxaa uu sheegay in dhawaan la dhameystiri doono dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, sidoo kalena  la bilaabi doona diwaangelinta Codbixiyeyaasha 2020-ka.

Guddiga doorashooyinka qaranka ayuu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabadaasi, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorasho qof iyo Cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ayaa horay ugu dhawaaqay in Soomaaliya 2020-ka ay dhici doonto doorasho qof iyo Cod ah,islamarkaana inta ka horreysa ay bilaaban doonaan diwaangelinta iyo Xasilinta dalka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment