978 Views

Booliska Soomaaliya oo sheegay in gacanta lagu dhigay eedeysanihii ku dilay gabdha Warta-Nabadda

Booliska Soomaaliya oo   sheegay in gacanta lagu dhigay eedeysanihii ku dilay gabdha    Warta-Nabadda
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa goor dhawayd shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane loo heysto 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. 

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac, laakiin, aan ogaanay in  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.”

Sidoo kale Booliska ma aysan shaacin halka laga soo qabtay eedeysanaha, sida loo soo qabtay iyo goorta la soo qabtay intaba.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post